Farmaajo oo markale madaxda maamul goboleedyada ku casumay Shir Muqdisho ka dhici doona.

Thursday June 25, 2020 - 07:29:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo markale madaxda maamul goboleedyada ku casumay Shir Muqdisho ka dhici doona.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku baaqay kulan ay yeeshaan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada oo khilaaf ba'an uu ka dhaxeeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku baaqay kulan ay yeeshaan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada oo khilaaf ba'an uu ka dhaxeeyo.


Farmaajo ayaa casuumaad udiray dhammaan madaxda maamul goboleedyada wuxuuna ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan shir magaalada Muqdisho ka furmi doono 5-ta bisha July ee soo socota.

Wuxuu sheegay in shirkan looga arrinsanayo arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo amniga, lama oga sida madaxda maamul goboleedyada ay u aqbali doonaan baaqa Farmaajo iyagoona horay uqaadacay ka qeyb galka shir ka dhaca Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items