Sarkaal katirsan Booliska oo ka badbaaday qarax ka dhacay degmada Dayniile.

Thursday June 25, 2020 - 19:33:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Booliska oo ka badbaaday qarax ka dhacay degmada Dayniile.

    Wararb dheeraad ah ayaa kaso baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararb dheeraad ah ayaa kaso baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.


Jugta qarax aad u xooggan ayaa laga maqlay agagaarka xaafadda Haanta dheer ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa lagu beegsaday gaari uu la socday sarkaal katirsan ciidamada booliska dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ka badbaaday sarkaalkii bartilmaameedka ahaa, goobta qaraxu ka dhacay waxaa markii dambe gaaray ciidamo katirsan booliska dowladda.

Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxayna qaraxyadaas sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil iyo ciidamo dowladda katirsan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items