Dagaallo Ka Dhacay degmada Wabxo iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo Degmada Dayniile kuyaal.

Tuesday October 28, 2014 - 10:30:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay degmada Wabxo iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan oo Degmada Dayniile kuyaal.

    Ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Wabxo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Wabxo.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay dagaallo xooggan ka dhaceen gudaha degmada,sarkaal katirsan wilaayada Galguduud ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiya lagu farasaaray gudaha saldhigyada ay ka sameysteen Wabxo.

Daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa xalay laga maqlayay deegaanno hoos yimaad degmada Wabxo.

Dhinaca kale Weerar khasaara dhaliyay ayaa xalay fiidkii ka dhacay saldhig maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ku leeyihiin xaafadda Ubadkaal ee degmada Dayniile magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items