Xukun gacan goyn ah oo lagu fuliyay rag xatooyo ka geystay gobolka Galguduud.

Thursday June 25, 2020 - 20:32:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 5
  • Share via Social Media

    Xukun gacan goyn ah oo lagu fuliyay rag xatooyo ka geystay gobolka Galguduud.

    Fagaare kuyaal degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa galabta ka dhacay xudkun kamid ah xuduudda Alle kaas oo lagu fuliyay rag xatooyo geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa galabta ka dhacay xudkun kamid ah xuduudda Alle kaas oo lagu fuliyay rag xatooyo geystay.


Maxkamadda Wilaayada islaamiga Galguduud ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay laba nin oo fal xatooyo ah ka geystay degmada Galcad, qaadiga maxkamadda islaamiga ah oo xukunka akhriyay ayaa faah faahiyay dambiga ay galeen labadan nin ee xukunka lagu fuliyay..

Cali Xuseen Jimcaale oo 24 sana jir ah iyo Cabdi Cabdulle Axmed oo 26 sana jir ah ayaa jabsaday dukaan kuyaal degmada Galcad waxayna ka qaateen lacag gaaraysa 9,730 kun shilin Soomaali ah (Sagaal malyan todobo boqol iyo sodon kun) oo udhiganta 389 dollar.


Labadan Nin ayaa sidoo kale dukaanka ka qaatay Laba Macaawis oo qiimahoodu yahay 40 dollar, intaas kadib ayaa raggan xatooyada geystay mid walba laga gooyay gacanta midig.

Halkan ka dhageyso xukunka gacan goynta ah MP3

Related Items