Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda Sarkaal lagu dilay degmada Kaaraan.

Saturday June 27, 2020 - 10:43:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda Sarkaal lagu dilay degmada Kaaraan.

    Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar sarkaal boolis lagu dilay oo hmaanta ka dhacay degmada Kaaraan ee dhacda Bariga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar sarkaal boolis lagu dilay oo hmaanta ka dhacay degmada Kaaraan ee dhacda Bariga magaalada Muqdisho.


Rag hubaysan ayaa maanta barqadii xaafadda  Irshaad ee degmada Kaaraan ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa Canshuuraha qaabilsan ee Minishiibiyada loo yaqaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga dilka geystay ay sarkaalka ka furteen qori Ak47 ah iyo booshkiisa, wararka ayaa intaas ku daraya in daqiiqado kadib markii weerarku dhacay ay goobta soo gaareen ciidamo boolis ah waxayna qaadeen meydadka sarkaalka ladilay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sarkaalka lagu dilay sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items