Dowladda Itoobiya oo ku adkaysatay biya buuxinta Biya xireenka Al Nahda.

Saturday June 27, 2020 - 11:25:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo ku adkaysatay biya buuxinta Biya xireenka Al Nahda.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku gacan sayrtay dhammaan dadaaladdii caalamiga ahaa iyo kuwii maxalliga ahaa lee lagu doonayay in heshiis is afgarad ah lagu dhameeyo murunka ka taagan biya xireenka Al Nahda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku gacan sayrtay dhammaan dadaaladdii caalamiga ahaa iyo kuwii maxalliga ahaa lee lagu doonayay in heshiis is afgarad ah lagu dhameeyo murunka ka taagan biya xireenka Al Nahda.


War rasmi ah oo kasoo baxay R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in labada isbuuc ee soo socda lagu dhammeystirayo biya buuxinta Biya Xireenka Al Nahda si loogasoo saaro Koronto awood leh.

Xafiiska R/wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in ay diyaar uyihiin dardar gelinta wadahadallada sedax geesoodka ah balse aysan maalina dib udhigi doonin buuxinta waaskooyinka biyaha lagu kediyo ee biya xireenka laga dhisayo halka uu kasoo burqado Webiga Niil.


Dhawaqa kasoo yeeray dowladda Itoobiya ayaa dhabarka ka jabinaya dhammaan dadaalladii socday maalmahan ee lagu doonayay in lagu heshiisiiyo Masar iyo Suudaan oo isku dhinac ah iyo Itoobiya.

Sedaxda dowladood ee ku murunsan qeybsiga Webiga Niil ayaa warbaahinta isku dhaafsaday erayo kulkulul oo ku aaddan dhismaha biya xireenka koowaad ee ugu weyn qaaradda Afrika.

Xukuumadda Addis Ababa waxay ballan qaaday in ay dhammeystiri doonto biya xireenkan si ay faqriga iyo mudgiga uga baxaan malaayiin qof Itoobiyaan ah halka Masar ay tallaabadan u aragto mid lagu nusqaaminayo biyaha wabiga Niil oo ay ku tiirsantahay nolosha malaayiin qof Masaari ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items