Warbixin Cusub: dowladda Soomaaliya malahan ciidamo awood u leh in ay iska caabiyaan Jihaadiyiinta.

Saturday June 27, 2020 - 12:13:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Warbixin Cusub: dowladda Soomaaliya malahan ciidamo awood u leh in ay iska caabiyaan Jihaadiyiinta.

    Warbixin sanadeed looga hadlayay olole-dagaaleedka Islaam la dirirka ah ee ay horboodeyso xukuumada Washington oo ay soo saartay wazaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xarakaatka Islaamiga ee ka jihaadaya qaarada Africa ay sii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin sanadeed looga hadlayay olole-dagaaleedka Islaam la dirirka ah ee ay horboodeyso xukuumada Washington oo ay soo saartay wazaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xarakaatka Islaamiga ee ka jihaadaya qaarada Africa ay sii xoojiyeen dagaalada islamarkaana ay u hanqal taagayaan inay isku fidiyaan deegaano hor leh.



Bariga Afrika iyo Galbeedka Afrika ayay warbixintu sheegtay in ay sanadkii lasoo dhaafay martigeliyeen weeraro aad u xooggan oo ay geysteen xarakaatka Jihaadiga ee hoostaga Al-Qaacida, waxaana ay sheegeen inay Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka ay iyaguna qaadeen olole-dagaaleed cadaadis lagu saarayo kooxahaasi.

Mar warbixintu ay soo hadal qaadday bariga Afrika waxaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weli leedahay awooda ay ku maamusho deegaano ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taas oo weli u sahleysa in ay helaan ciidamo cusub oo kusoo biiraya sufuuftooda iyo dhul ay kasoo abaabulaan weerarada dillaaga ah ee ay ka fuliyaan gudaha dalka iyo wadamada dibadda intaba.


Warbixintu waxay sheegtay in maleeshiyaatka xukuumada Federaalka Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay ka adkaadaan Xarakada Al-Shabaab ayna weli awoodda kooxda villa Soomaaliya ku tiirsantahay ciidamada Afrikaanta ee uu wakhtigoodu sii dhammaanayo taas oo markale dib u soo cusbooneysiinaysa walaaca ay gaaladu ka qabaan bixitaanka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Xog uruurin ay sameysay wazaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayay ku sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay ay fulisay in ka badan kun weerar oo kala duwan oo ka kala dhacay wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in Kenya ay noqotay dowladda ugu horreysa ee dhibanaha u ah weerarada Al Shabaab marka laga hadlayo wadamada ay ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.

Warbaahinada dalka Kenya waxay sheegeen in sanadkan aanu ku gudajirno oo kaliya uu dalka Kenya martigeliyey in ka badan 20 weerar oo badankood lagu beegsaday ciidamada Police-ka iyo kuwa military-ga.

Warbixinta ay soo saartay wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay in marka laga yimaado inta ay la egtahay tirada weerarada Al-Shabaab ay dhanka kale weeraradu ahaayeen kuwo dilaa ah oo beegsanayay bartilmaameedyo muhiim ah oo dhabarjab ku lahaa olole dagaaleedka ay iska kaashanayaan Mareykanka iyo dowladaha gobolka.

"Al-Shabaab waxay fulisay weeraro waaweyn oo beegsanayey bartilmaameedyo muhiim ah, sida madaxda sarsare ee dowladda iyo hogaamiyeyaasha si ay u majaxaabiso awoodda iyo waxtarka dowladnimo ee xukuumada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo hadal qaaday dhowr weerar oo dhacay sanadkii lasoo dhaafay kuwaas oo ay sheegtay inay tilmaan u ahaayeen halista kooxda iyo awoodda ay u lahayd inay abaabusho weeraro dilaa ah oo lagu carqaladeynayo olole-dagaaleedkooda.

Weerarada ay soo hadal qaadeen waxaa kamid ah: weerarkii bishii Febraayo ee sanadkii hore lagu qaaday Hotelka Maka AlMukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 30 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin katirsan kooxda ridada Soomaaliya.

Weerarkii bishii Maarso ee sanadkii hore lagu qaaday dhismaha wazaaradaha kooxda ridada, kaas oo lagu dilay tobanaan oo kamid ahaa waziir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee kooxda ridada.

Weerarkii bishii Jully lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo, kaas oo ay sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 27 ruux oo uu ku jiro qof kasoo jeeda dalka Mareykanka iyo howlgalkii gaarka ahaa ee bishii Jully lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Murtad C/Raxmaan Cumar Yariisoow ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa duqeymo wuxuushnimo oo joogta ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo uu ku taageerayo ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaatka Soomaalida ah si ay ugu suuragasho inay ka adkaadaan Al Shabaab balse qorshe dagaaleedkaas ayaa u muuqda inuu noqday mid ma dhaleys ah, waxaana warbixin sanadeedyada kasoo baxay gaashaanbuurta saliibiga laga dareemayaa in aysan weli helin istaraatijiyad naajix ah oo ay ku wiiqi karaan halganka jihaadka ee kasocda bariga Africa.

Related Items