Markii ugu horraysay guddiga doorashooyinka uqaabilsan dowladda Federaalka ayaa ka shanqariyay wixii ay horay uga digayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ahaa dib udhac ku yimaad hanaanka doorashada.
Haweenayda lagu magacaabo Xaliima Yareey oo ku magacaaban guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa xildhibaannada baarlamaanka ka hor sheegtay in doorashadu aysan dhici karin waqtigii loo asteeyay.
Waxay walaac ka muujisay caqabadaha ku horgudban in la qaban qaabiyo doorashooyin qof iyo cod ah sida ay ku andacootay waxayna codsaday in lasiiyo muddo sanada ah oo ka bilaabanaysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg agoosto 2021-ka.
"Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayay tiri Xaliima Yareey.
Waxa loogu yeero beesha caalamka iyo siyaasiyiinta sida aadka ah umucaaradsan dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay soo saarayay baaqyo ay Farmaajo iyo Kheyre uga digayaan in ay waqti kororsi sameeyaan iyagoo ku marmarsiyoonaya dib udhaca doorashooyinka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Xaliima Yareey oo sheegtay in doorashadu aysan dhici karin waqtigii loo asteeyay.
Markii ugu horraysay guddiga doorashooyinka uqaabilsan dowladda Federaalka ayaa ka shanqariyay wixii ay horay uga digayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ahaa dib udhac ku yimaad hanaanka doorashada.