Lataliyihii Max'med Bin Zaayad oo lagu helay in uu Kufsaday Carruur.

Saturday June 27, 2020 - 19:39:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Lataliyihii Max'med Bin Zaayad oo lagu helay in uu Kufsaday Carruur.

    Maxkamad Federaali ah oo kutaal wadanka Mareykanka ayaa xukun ku ridday nin lataliye gaar ah usoo noqday dhaxal sugaha dowlada Imaaraatka Carabta islamarkaana saaxiib la ahaa Max'med Bin Salmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Federaali ah oo kutaal wadanka Mareykanka ayaa xukun ku ridday nin lataliye gaar ah usoo noqday dhaxal sugaha dowlada Imaaraatka Carabta islamarkaana saaxiib la ahaa Max'med Bin Salmaan.


George Nader oo ah 61 sana jir caan ku ah musuq maasuqa ayaa lagu helay dambi ah in uu fara xumeeyay carruuur yaryar, dhammaan eedaymihii loo heystay lataliyihii hore ee Max'med Bin Zaayad ayaa lagu helay.

Maxkamadda Federaaliga Mareykanka ayaa George Nader Naadir ku xukuntay 10 sanadood oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag gaaraysa 150 kun oo dollar oo uu qaab magadhow ah usiiyo canug udhashay dalka Jeeg kadib markii uu  kufsaday.


Fadeexadaha kale ee ninka lagu helay waxaa kamid ahaa in uu qeyb ka ahaa shabakad isku xiran oo ka ganacsata faraxumeynta carruurta, qareenadii udoodayay George Nader ayaa awoodi waayay in ay ka difaacaan eedaymihii loo heystay.

Siyaasigan xukunku ku dhacay oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Lubnaan ayaa saaxiib la ahaa Max'med Bin Zaayad dhaxal sugaha dowladda Imaaraatka Carabta isagoo mar usoo noqday lataliyihiisa gaarka ah  sidoo kale waxay aad isugu dhowaayeen Max'med Bin Salmaan dhaxal sugaha Sacuudiga.

George Nader ayaa sanadadii lasoo dhaafay wuxuu kamid ahaa dadka ugu cad cad ee loo heystay ku lug lahayaashihii dowladda Ruushka ee doorashooyinkii Mareykanka ka dhacay sanaddii 2016 ee Trump uu kusoo baxay waxaana su'aalo weydiiyay Robert Mueller.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items