Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti Ee magaalada Beledweyne.

Monday June 29, 2020 - 11:27:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti Ee magaalada Beledweyne.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ciidanka Jabuuti ee ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ciidanka Jabuuti ee ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne.



Weerarkan duqeynta ah oo socday muddo tobannaan daqiiqo ah ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xerada Jabuutiyaanka iyadoo magaalada laga maqlayay dhawaqa madaafiicda.

Saaka waaberigii hore, waxay saraakiisha Jabuuti canaan kala duldhaceen taliyaasha ciidamada Hirshabelle ee ku sugan magaalada kadib markii ay ku eedeeyeen ineysan waxba ka qaban ciidamada Al-Shabaabulmujaahidiin ee weerarka soo qaaday.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka duqeynta ah ee lagu qaaday saldhigga Jabuutiyaanka.



Kulamo ay dhowr jeer qaateen Taliska ciidamada shisheeye ayaa waxaa looga hadlay weerarada madaafiicda ah ee lagu qaado xeryahooda iyadoo la muujiyay inuu khasaarahoodu badan yahay, waayo haddii askarigu uu xabbadda kaga dhuumanayay god ama dhufeys korka ka furan, wuxuu u nugul yahay duqeynta.

Isha qoraalka: Radio Alfurqaan

Related Items