Maamulka 'Puntland' oo qaadacay guddiga doorashooyinka iyo metelaadda gobolka Banaadir.

Monday June 29, 2020 - 12:26:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' oo qaadacay guddiga doorashooyinka iyo metelaadda gobolka Banaadir.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa qaadacay go'aan uu dhawaan gaaray baarlamaanka dowladda Federaalka kaasi oo ku saabsanaa in gobolka Banaadir uu aqalka sare ku yeesho xildhibaanno ugaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa qaadacay go'aan uu dhawaan gaaray baarlamaanka dowladda Federaalka kaasi oo ku saabsanaa in gobolka Banaadir uu aqalka sare ku yeesho xildhibaanno ugaar ah.


Kadib kulan ay xidhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ku yeesheen magaalada Garowe ayay ku sheegeen in ay ku qaadaceen in gobolka Banaadir lasiiyo metelaad gaar ah.

Sidoo kale maamulka Garowe ayaa shaaciyay in uusan aqoonsanayn guddiiga doorashooyinka uqaabilsan dowladda Federaalka, Saacid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhawaajiyay in shaqooyinka uu guddigaas qabanayo ay udanaynayaan madaxda dowladda oo kaliya isagoo si aad ah ugasoo horjeestay in doorashooyinka madaxtinimada dib loo dhigo.


Ugu dambayn maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa ku hanjabay in uu go'aan kama dambays ah ka qaadan doono arrimaha dowladda Federaalka haddii ay sii socdaan siyaasadaha dib loogu dhigayo doorashooyinka islamarkaana lagu adkaysto in gobolka Banaadir uu yeesho metelaad ugaar ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items