Dowladda Iiraan oo soo saartay amar lagusoo xirayo Trump.

Monday June 29, 2020 - 20:07:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan oo soo saartay amar lagusoo xirayo Trump.

    Dacwad soo oogaha guud ee dowladda Shiicada Iiraan ayaa soo saaray amar lagusoo xirayo Donald Trump madaxweynaha Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwad soo oogaha guud ee dowladda Shiicada Iiraan ayaa soo saaray amar lagusoo xirayo Donald Trump madaxweynaha Mareykanka


Dowlada Iiraan waxay sheegtay in Trump uu ku lug lahaaday dilal loo geystay 35 oo uu ugu dambeeyay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa madaxii dowlgallada dibadda ee gaaska Al qudus.

Cali Qaadi Mahar oo ah dacwad soo oogaha guud ee Iiraan ayaa ugu baaqay waxa loogu yeero booliska adduunka Interpol in ay gacan ka geystaan qaabkii loosoo xiri lahaa Trump.

Falanqeeyayaasha ayaa rumaysan in warka kasoo baxay dowladda iiraan uu yahay mid ay ku dajinayso shacabkeeda ka carooday dilkii uu Mareykanku wadanka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qaasim Sulaymaani balse uusan ahaan doonin go'aan dhaqan gala oo Trump ay kusoo xiri karaan.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items