Khilaafka udhaxeeya Maamul goboleedyada iyo DF oo gaaray meeshii ugu xumeed.

Monday June 29, 2020 - 20:23:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka udhaxeeya Maamul goboleedyada iyo DF oo gaaray meeshii ugu xumeed.

    Xiisado siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka dhashay go'aan uu shalay soo saaray baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka dhashay go'aan uu shalay soo saaray baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.


Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa si kulul udhaliilay madaxda dowladda Federaalka waxayna ku eedeeyeen in ay abuurayaan khalalaasa siyaasadeed oo sababi kara in ay sii kala irdhoobaan maamullada ku daaban beesha caalamka ee Soomaaliya ka jira.

Cabdi Raxmaan Faroole oo horay usoo noqday madaxweynaha maamulka 'Puntland' islamarkaana xubin ka ah golaha aqalka sare ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu god mugdi ah lugaha ugelinayo wax uu ugu yeeray midnimada Soomaaliya.


"Dalkii god buu ku socdaa, Madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka” sidaas waxaa yiri Faroole.

Siyaasigan ayaa carabaabay in habdhaqanka dowladda Federaalka uu sababi doono iyo maamul goboleedyadu kasii fogaadaan, baaqyo horay usoo baxay ayaa ka digayay in maamulka 'Puntland' uu iclaamiyo gooni ugoosad sida maamulka 'Somaliland' oo kale.

Tallaabadii maamulka gobolka Banaadir lagusiiyay 16 xildhibaan ayaa aad uga caraysiisay Saciid Deni iyo siyaasiyiinta ku fikirka ah, dhammaan maamullada gummeysiga la shaqeeya ee kajira dalka Soomaaliya ayaa maraya marxalad kala guur ah waxayna isku murunsanyihiin qeybsiga awoodda siyaasadeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items