Qarax ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigleey.

Tuesday June 30, 2020 - 17:23:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 49 10
  • Share via Social Media

    Qarax ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigleey.

    Jugta qarax xooggan ayaa maanta gelinkii laga maqlay degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa maanta gelinkii laga maqlay degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay isgoyska Cali Kamiin xilli halkaas ay marayeen kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan balse lama oga khasaaraha ka dhashay, ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa daqiiqado ka hor ku qulqulayay isgoyska intii uusan qaraxu dhicin.

Farmaajo iyo xubno katirsan golaha wasiirrada ayaa socdaal lugta ah ku tagay isbartiibada Muqdisho oo dib loo furay kadib markii dayactir lagu sameeyay, garoonka kubadda cagta Muqdisho ayaa muddo 8 sana ah xarun u ahaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items