Sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu dilay Addis Ababa iyo Jowhar Muxamed oo laxiray.

Wednesday July 01, 2020 - 10:17:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Itoobiyaan ah oo lagu dilay Addis Ababa iyo Jowhar Muxamed oo laxiray.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in maalintii labaad oo xiriir ah ay rabshado xooggan ka socdaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in maalintii labaad oo xiriir ah ay rabshado xooggan ka socdaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.


Qaraxyo is xigxigay ayaa saaka laga maqlay xaafado katirsan Addis halkaas oo ay ka socdaan isku dhacyo udhaxeeya ciidamada booliska iyo dad caraysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Taliska booliska Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kooxo hubaysan ay gudaha Addis Ababa ku toogteen askari katirsan ciidamada booliska xilli ay isku dhacyo socdeen.

Dowladda Xabashida Itoobiya waxay sheegtay in dad caraysan ay is hortaageen Meydka nin fanaan ah oo habeen hore ladilay, waddooyinka waaweyn ee caasimadda Itoobiya ayaa lagu arkayay shacab kumanaan ah oo isku gedaamay gaari lagu siday Meydka fanaankii ay Amxaaradu dishay habeen hore.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu tahay mid cakiran waxaana xiran waddooyinka hor mara wasaaradaha iyo saldhigyada ciidamada ammaanka ee magaalada Addis Ababa sababa laxiriira cabsi laga qabo in dadka dibad baxyada wada ay xoog ku galaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Itoobiya ayaa ugu baaqday dadka dibad baxyada wada in ay isdajiyaan balse waxay xaaladdu sii xumaatay markii laxiray ninka ugu caansan mucaaradka Oromada ee lagu magacaabo Jowhar Muxamed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items