Saciid Deni oo qaadacaya ka qeyb galka shirka Muqdisho.

Wednesday July 01, 2020 - 11:15:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo qaadacaya ka qeyb galka shirka Muqdisho.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu qaadacay codsigii uga yimid Farmaajo ee ahaa in uu kasoo qeyb galo shir dhowaan ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu qaadacay codsigii uga yimid Farmaajo ee ahaa in uu kasoo qeyb galo shir dhowaan ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.


Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe ka sheegay in uu qaadanayo baaqii  uga yimid xildhibaannada baarlamaankiisa ee ahaa in uu ka baaqdo shirka Farmaajo gogoshiisa dhigay Villa Somalia.

"Waxaa soo dhoweynayaa Baaqii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland, waxaa ku shaqeyn doonaa taladooda, anigoo ixtiraamaya hey’adaha dastuuriga ee Puntland”ayuu yiri Saciid Deni.


Sidoo kale hoggaamiyaha Puntland ayaa uga digay madaxweynaha dowladda Federaalka in uu waqti kororsi sameeyo isagoo marmarsiimo ka dhiganaya cudurka Covid19 iyo xaaladda ammaan ee dalka ka jirta.

Mas'uuliyiinta iyo siyaasiyiinta maamulka isku magacaabay Puntland ayaa si aad ah ugasoo horjeeda siyaasadaha ay ku shaqeeyaan Farmaajo iyo Kheyre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items