Al Shabaab oo sarkaal katirsanaa CID-da ku dishay magaalada Baydhabo.

Wednesday July 01, 2020 - 11:20:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 5
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sarkaal katirsanaa CID-da ku dishay magaalada Baydhabo.

    Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo laga helay gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay gobolkaas ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa hay'adda dambi baarista CID-da dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo laga helay gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay gobolkaas ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa hay'adda dambi baarista CID-da dowladda.


Rag hubaysan oo katirsan dhaq dhaqaaqa Jihaadiga Al Shabaab ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay Col. Mukhtaar Cali oo katirsanaa saraakiisha CID-da dowladda.

Sida wararku sheegayaan sarkaalka ladilay oo muddo ka badan 10 sanadood la shaqeynayay laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayay xoogaga weeraray waxay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay magaalada Baydhabo sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items