Weeraro lagu miray saldhigyo ciidamada Itoobiya iyo Kenya ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wednesday July 01, 2020 - 11:36:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu miray saldhigyo ciidamada Itoobiya iyo Kenya ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro safballaaran ah ku mirayay saldhigyo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro safballaaran ah ku mirayay saldhigyo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerareen laba saldhig oo ay ciidamada gummeysiga Kenya ku leeyihiin deegaanada Cabdalla Biroole iyo Kudhaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ee Jaziiradda Kudhaa, sidoo kale weerar loo adeegsaday madaafiic ayuu lakulmay saldhigga ciidanka KDF ee deegaanka Cabdalla Biroole.

Weerarka ka dhacay Cabdalla Biroole ayaa khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada melleteriga Kenya, sida uu soo sheegay wariye ku sugan Jubbooyinka diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah ayaa maanta barqadii ku degtay deegaanka Cabdalla Biroole iyadoona halkaas ka daabushay Meydad iyo dhaawacyo.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale xalay weerar culus uu lakulmay saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items