50 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay Rabshadaha ka socda wadanka Itoobiya.

Wednesday July 01, 2020 - 16:11:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay Rabshadaha ka socda wadanka Itoobiya.

    Ugu yaraan 50 qof Itoobiyaan ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dibad baxyo rabshado wata ay gilgileen magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 50 qof Itoobiyaan ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dibad baxyo rabshado wata ay gilgileen magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya.


Saraakiisha booliska magaalada Addis Ababa ayaa ku dhawaaqay in rag hubaysan ay toogteen sarkaal katirsan ciidamada Booliska, dad caraysan ayaa is hortaag ku sameeyay aas loo sameyn lahaa fanaan caan ka dhax ahaa qowmiyadda Oromada oo habeen hore ay dileen dablay katirsan qowmiyadda Amxaarada.

Wariyaal ku sugan Addis Ababa ayaa soo sheegay in jawi fatqalado iyo colaad xambaarsan uu kajiro inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadanka.


Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in dadka ku baxay gacanta ciidamada booliska ay ka badanyihiin 50 ruux, dowladda Itoobiya ayaa aad uga gaabsanaysa in ay ka hadasho khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay rasaasta ay ciidamadeedu u adeegsanayaan dibad baxayaasha ah.

Xaaladda ayaa sii xumaatay markii saaka ay ciidamada ammaanka ay xireen Jowhar muxamed oo ahaa ninkii kiciyay kacdoonkii dhiigga badan ku daatay ee Itoobiya ka dhacay sanaddii 2016-kii

Related Items