Dagaal 5 qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Wednesday July 01, 2020 - 19:26:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal 5 qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo culus oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo culus oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka.


Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa maanta duhurkii ka bilaawday xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, dagaalka ayaa dhaxmaray ciidamo boolis ah iyo kuwa loo yaqaan Haramcad.

Ugu yaraan 5 ruux oo ubadan dhinacyadii dagaallamay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen iska hor'imaadka oo ahaa mid laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Caawa Maqribkii ayaa la sheegay in rasaas goos goos ah laga maqlayay xarunta gobolka Galguduud, shalay ayay aheyd markii askari katirsan ciidamada maamulka Galmudug uu qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada.

Related Items