Shacabka Sacuudiga oo bilaabay in ay cuntada daruuriga ah keydsadaan.

Wednesday July 01, 2020 - 19:33:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Sacuudiga oo bilaabay in ay cuntada daruuriga ah keydsadaan.

    Dowladda Aala Sacuud ayaa ku dhawaaqday qiima koror ay ku samaysay dhammaan cuntadad daruuriga ah ee laga isticmaalo dhulka xarameynka ee jaziiradda carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Aala Sacuud ayaa ku dhawaaqday qiima koror ay ku samaysay dhammaan cuntadad daruuriga ah ee laga isticmaalo dhulka xarameynka ee jaziiradda carabta.


Wasaaradda maaliyadda Aala sacuud ayaa sheegtay in uu dhaqangal noqday qaraar lagu kordhiyay tariifada saaran dhammaan cuntooyinka daruuriga ah.

Hoos udhac ballaaran oo kuyimid naftada uu wadankaas soo saaro ayaa sabab u ah in dowladdu ay sare uqaado lacagaha canshuuragha ah ee ay ka qaadayso ganacsatada.

Qiima kordhinta lagu sameeyay canshuuraha ayaa gaaraya 5% illaa 15% arrinkaas oo durbadiiba saameyn xun ku reebay sicirka cuntada lagu iibsado,sidoo kale qiima kordhintan dhanka canshuuraha ayaa saameynaysa guryaha,qalabka korontada,dawooyinka iyo dahabka balse saameynta ugu xun wuxuu ku yeeshay cuntada.



Dadka danyarta ah ee sacuudiyaanka ah ayaa awoodi waayay in ay iibsadaan cuntada ay sida maalinlaha ah u isticmaalaan.

Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay kumanaan qof oo suuqyada ku xoomaya kuwaas oo iibsanaya cuntada daruuriga ah, waxaa jirta cabsi ah in raashinku gabaabsi noqdo sidaas daraadeed ayaa la sheegay in dadku ay keydsanayaan cuntada.

Dowladda sacuudiga oo hodon ku aheyd shidaalka ayaa hadda qaadday dhabaha faqriga kadib markii ay hantidii muslimiinta kula saaxiibtay dowladda Mareykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in sare uqaadidda canshuurta ay tahay markii ugu horraysay ee Sacuudiga laga sameeyo

Related Items