Melleteriga Itoobiya oo lagu faafiyay Addis Ababa iyo dhimashada oo 100 qof ku dhow.

Thursday July 02, 2020 - 07:45:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Itoobiya oo lagu faafiyay Addis Ababa iyo dhimashada oo 100 qof ku dhow.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in kacdoonka rabshadaha wata uu kusii xoogeystay inta badan gobollada ku dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in kacdoonka rabshadaha wata uu kusii xoogeystay inta badan gobollada ku dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 100 qof ay ku dhinteen rabshadaha ka socda Addis Ababa iyo nawaaxigeeda.

Abiy Axmed oo hadal kooban ka jeediyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa waxa socda ku eedeeyay in ay mas'uul ka yihiin awoodo shisheeye oo doonaya in ay wiiqaan deganaashiyaha wadanka ka jira balse ma carrab dhabin magacyada awoodaha shisheeye ee wadankiisa qasaya.


Kumanaan katirsan melleteriga Itoobiya ayaa loo daad gureeyay magaalada caasimadda ah kadib markii ay ciidamada Boolisku ku fashilmeen xakameynta dadka rabshadaha wada.

Wakaaladda wararka REUTERS ayaa sheegtay in ciidamada Melleteriga oo wata gaadiidka gaashaaman ay isku fidiyeen inta badan xaafadaha Addis Ababa oo ay ka socdaan dibad baxyo rabshado wata.

Dad caraysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa weeraro ku hayo xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Amxaarada iyo Tigreega.

Endeshaw Tassew oo ah taliyaha guud ee Booliska Federaaliga Itoobiya ayaa shir jaraa'id ku sheegay in 81 ruux oo 3 askari boolis ah ka mid yihiin ay ku dhinteen rabshadaha soo bilaawday maalintii talaadada.

Dadka kacdoonka wada ayaa ka carooday dil dhagar ah oo Maleeshiyaad Amxaara ah ugeysteen fanaan caan ah oo kasoo jeeda gobolka Oromia, wariyaal ayaa soo sheegay in kacdoonka socda uu ka weynyahay midkii soo bilaawday sanaddii 2016 marka loo eego tacaadufka uu ka helayo Oromada oo ah qowmiyadda wadankaasi ugu ballaaran balse lama oga in uu sii socan doono iyo in awood lagu damin doono iyo inkale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items