Dowladda Shiinaha oo ka digtay xiriir dhaxmara 'Somaliland' iyo dalka Taiwan.

Thursday July 02, 2020 - 10:42:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Shiinaha oo ka digtay xiriir dhaxmara 'Somaliland' iyo dalka Taiwan.

    Dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa maamulka isku magacaabay Somaliland uga digan in uu xiriir lasameysto dalka Taiwan oo daris la ah Shiinaha islamarkaana aan wax aqoonsi ah haysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shuuciyadda Shiinaha ayaa maamulka isku magacaabay Somaliland uga digan in uu xiriir lasameysto dalka Taiwan oo daris la ah Shiinaha islamarkaana aan wax aqoonsi ah haysan.


War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda dowladda Shuuciyadda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in aan dowlado iyo Ururo  loo ogolaan karin in ay aqoonsi usameeyaan Taiwan oo Shiinuhu u arko gobol kamid ah wadankiisa.

"Uma oggolaanayno in qof urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Shiinaha.


Muuse Biixi ayaa maalmo ka hor magaalada Hargeysa ka sheegay in uu xiriir kala dhaxeeyo Taiwan islamarkaana ay xafiis ka furan doonaan.
Taiwan iyo Somaliland ayaa labaduba ah maamul goboleedyo aan wax aqoonsi ah haysan waxayna isku arkaan dalal madax banaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items