Booliska Urdun oo Xiray Sheekh Daaciga islaamiga Ah Abuu Max'med Al Maqdasi

Tuesday October 28, 2014 - 12:26:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Urdun oo Xiray Sheekh Daaciga islaamiga Ah Abuu Max'med Al Maqdasi

    Wararka ka imaanaya wadanka Urdun ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka wadankaasi ay xabsiga dhigeen Sheekh Max'med Al Maqdasi oo katirsan culimaa'udiinka caalamka islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Abuu Qataadah iyo Abuu Max'med Al Maqdasi
Wararka ka imaanaya wadanka Urdun ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka wadankaasi ay xabsiga dhigeen Sheekh Max'med Al Maqdasi oo katirsan culimaa'udiinka caalamka islaamka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Booliska Urdun ayaa lagu sheegay in Sheekha laxiray kadib markii uu adeegsaday shabakadaha Internet-ka islamarkaana uu jamaacaad jihaadi ah ku booriyay dagaalka ay kula jiraan Mareykanka iyo xulufadiisa.

Al-Maqdasi ayaa ah sheikh madax u ah tayaarka salafiga Jihaadiga Urdun wuxuuna leeyahay mowqic faafiya dacwada islaamka islamarkaana muslimiinta ku booriya dagaalka jihaadka ah.

Afar bilood ka hor ayaa sheekha lagasii daayay xabsi kuyaal wadanka Urdun kadib markii uu soo dhameystay afar sanadood oo xabsi ah waxaana lagu waayay dambiyo ah in uu yahay "Argagaxiso”.


Urdun waxaa kajira nidaam Mareykanka la shaqeeya oo ku ad-adag ladagaalanka dadka muslimiinta Ahlu Towxiidka ah,Sheekh Abuu Qataada Alfilasdiini oo isna katirsan culimada muctaariinta tayaarka salafiga Jihaadiga ayaa isagoo xur ah ku sugan Urdun kadib markii dambiyo loo heystay lagu waayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items