4 katirsan ciidanka KDF oo lagu dilay weeraro ka dhacay Jubbada Hoose.

Thursday July 02, 2020 - 11:03:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 katirsan ciidanka KDF oo lagu dilay weeraro ka dhacay Jubbada Hoose.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Melleteriga Kenya kasoo gaaray weeraro safmareen ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsna gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada Melleteriga Kenya kasoo gaaray weeraro safmareen ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsna gobolka Jubbada Hoose.


Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar Askari Kenyaan ah ay ku dhinteen halka 7 kale ay dhaawacmeen kadib markii weerar madaafiic ah uu la kulmay saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Kenya lagu daabulay diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah taas oo kusoo degtay saldhigga Cabdalla Biroole.


Dhinaca kale dagaalyahanada Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday ciidamada KDF ee saldhiga ku leh deegaanka Kulbiyoow ee dhaca xuduud beenaadka.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka melleteriga Kenya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradii ciidamadooda lagula beegsaday gobolka Jubbada hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items