Waarkii Ugu dambeeyay: Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa iyo dowladda oo Internetka jartay.

Thursday July 02, 2020 - 13:42:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waarkii Ugu dambeeyay: Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa iyo dowladda oo Internetka jartay.

    Khalalaasaha ka socda wadanka Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya saacadba saacadda ka dambaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khalalaasaha ka socda wadanka Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya saacadba saacadda ka dambaysa.


Inta badan magaalooyinka waaweyn ee dhulka Oromada waxaa ka jira kacdoonno shacbi iyadoona lasoo sheegayo qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in dhammaan goobaha muhiimka ah ee Addis Ababa ay xiranyihiin waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamo melleteri ah oo rasaas ku ridaya dibad baxayaasha.


Saraakiisha mucaaradka qowmiyadda Oromada ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsanayso shacabka kacdoonka sida nabad gelyada ah u dhigaya.

Afhayeenka ismaamulka Oromia ayaa fatqaladaha ka jira Itoobiya si toos ah ugu eedeeyay dowladda Masar ee Cabdi Fataax Alsiisi madaxda ka yahay halka Abiy Axmed uu farta ku fiiqay in xoogag shisheeye ay rabshadaha soo abaabuleen.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 ruux ay ku dhinteen dhowr qarax oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa, kumanaan katirsan melleteriga Itoobiya oo laga daad gureeyay gobollada ayaa gudaha ugalay Addis si ay uga hortagaan dibad baxyada rabshadaha wata.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Tikree ayaa sheegaya in ay xiranyihiin sedaxda magaalo ee gobolka ugu weyn sababa laxariira cabsi laga qabo in rabshado ka dhan ah dowladda ay bilaawdaan.

Magaalada Harar ee muslimiintu leeyihiin dibad bax ka dhacay ayay shacabka caraysan ku gubeen taallo loo dhisay boqorkii hore ee Itoobiya ninka lagu magacaabo Xeylla salaase.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items