Digniino lagasoo saaray in cudurka Carona uu boqolaal kun ku dilo dalka Mareykanka.

Thursday July 02, 2020 - 17:36:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniino lagasoo saaray in cudurka Carona uu boqolaal kun ku dilo dalka Mareykanka.

    Dhaqaatiirta caafimaadka dalka Mareykanka ayaa soo saaray digniino culus oo ku saabsan in boqolaal kun qof American ah ay udhiman doonaan caabuqa dilaaga ah e Covid19 haddii aan wax laga qaban xaaladda caafimaad ee wadanka ka jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaatiirta caafimaadka dalka Mareykanka ayaa soo saaray digniino culus oo ku saabsan in boqolaal kun qof American ah ay udhiman doonaan caabuqa dilaaga ah e Covid19 haddii aan wax laga qaban xaaladda caafimaad ee wadanka ka jirta.



Jaamacadda Johns Hopkins University ee arrimaha caafimaadka ayaa tirakoob ay shalay soo saartay ku sheegtay in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay Carona udhinteen 1199 qof American ah halka uu asiibay kumanaan kale.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegayaan in dadka uu Carona ku dhacayo maalin walba ay gaarayaan 100 kun oo ruux waana heerkii ugu sarreeyay ee bukaanno maalinle ah ee Carona uu caalamka ka geysto.

Khubarada ku takhasusay cudurrada caloosha ku dhaca ayaa ka digaya in dhimashada iyo bukaanadu ay ka sare mari doonaan halkii lafilayay haddii aan laqaadin feejignaan hor leh oo dhanka caafimaadka ah.



Mas'uuliyiin katirsan waaxda caafimaadka Mareykanka ayaa qiray in ay ku guulaysan waayeen xakameynta cudurka carona islamarkaana ay wadnaha farta ku hayaan in isbuucyada soo socda ay noqdaan maalmihii ugu dhimashada badnaa ee Carona.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka Trump uu qorshaynayo in xaalad bandow hor leh uu dalka kusoo rogo si uu wax uga qabto cudurka Carona ee soo laba kacleeyay.

waxaa lasaadaalinayaa in laba kaclaynta cusub ee Covid19 uu ka sameeyay Mareykanka ay ka khasaara badato soo bilaabashadii cudurka ee wadankan bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Gobollada ugu daran ee Carona uu ku laba kacleeyay waxaa kamid ah Texas iyo Faloorida halka uu dib ugurasho ka sameeyeen gobollada Washington iyo New York.

Sarkaal caafimaad ayaa ugu baaqay dadka American-ka ah in ay kala fogaadaan ayna isticmaalaan maryaha maaskada ee sanka iyo afka lagu xirto si looga gaashaanto Viruska Carona.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items