126 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waqooyiga dalka Myanmar.

Thursday July 02, 2020 - 14:01:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    126 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waqooyiga dalka Myanmar.

    Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ee dhaca qaaradda Aasiya ayaa sheegaya in boqolaal qof ay dhinteen kuwa kalane lala'yay kadib markii uu dhul burbur ka dhacay waqooyiga wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ee dhaca qaaradda Aasiya ayaa sheegaya in boqolaal qof ay dhinteen kuwa kalane lala'yay kadib markii uu dhul burbur ka dhacay waqooyiga wadankaas.


Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii uu burburay god laga qodo dhagxaanta dheemanka ah sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Meydadka 113 qof ayaa burburka hoostiisa lagasoo saaray iyadoona larumeysanyahay in tobanaan kale oo meydad ah ay dhulka hoostiisa ku jiraan.

Madaxa guddiga dab damiska dalka Myanmar ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay baarayaan sababta dhul googo'a keentay isagoo wixii dhacay ku tilmaamay musiibo laga naxo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items