Abiy Axmed oo sheegay in ay udiyaar garoobeen dagaal iyo Kacdoonada oo wali sii socda.

Saturday July 04, 2020 - 09:16:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed oo sheegay in ay udiyaar garoobeen dagaal iyo Kacdoonada oo wali sii socda.

    Xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka jirta magaalooyin katirsan wadanka Itoobiya oo ay ka socdaan kacdoonno shacbi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka jirta magaalooyin katirsan wadanka Itoobiya oo ay ka socdaan kacdoonno shacbi ah.


Dowladda Xabashida ayaa jartay dhammaan adeegyada isgaarsiinta sida Internetka iyo taleefanada, wariyaal dibad joog ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay geysanayaan gummaad ka dhan ah dadka dibad baxyada dhigaya.

Gobolka Oromia oo ah meesha ugu daran ee kacdoonnadu ka socdaan ayaa la sheegay in laga jaray dhammaan aalladda war isgaarsiinta.

R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xalay fiidkii kasoo muuqday Telefeshinka ku afka xukuumadda ayaa iclaamiyay in ay fashiliyeen shirqool weyn sida uu hadalka udhigay.


isagoo xiran dareeska ciidanka gaar ahaan Melleteriga ayuu carabaabay in ay diyaar u yihii dagaal, wuxuu ku eedeeyay gacmo dibadda ah in dilkii fanaanka Hachalu Hundessa ay ka dhiganayeen waddo ay ku kiciyaan qalalaase si ay uridaan dowladda.

Shalay oo jimca aheyd ayay malaayiin qof Itoobiyaan ah isugusoo baxeen magaalada Addis Ababa iyo hareeraheeda, dadka ku dhintay rabshadaha wadankaas ka socda ayaa kor udhaafay 110 ruux sida ay sheegayso warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items