Gaari gaashaaman oo ciidanka AMISOM looga gubay degmada Huriwaa iyo Itoobiyaan laweeraray.

Saturday July 04, 2020 - 08:40:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari gaashaaman oo ciidanka AMISOM looga gubay degmada Huriwaa iyo Itoobiyaan laweeraray.

    Ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax culus oo lagula beegsaday deegaan dhaca waqooyiga Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari laga gubay ciidamada AMISOM
Ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax culus oo lagula beegsaday deegaan dhaca waqooyiga Muqdisho.


Qarax shalay ka dhacay halka loo yaqaan Dalcadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sababay in burbur xooggan uu gaaro gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada shisheeye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii uu qaraxu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo dheeraad ah oo gurmad ahaan ugasoo baxay xerada Xalane iyagoona goobta ka jiiday gaariga burburay waxayna daabuleen meydad iyo dhaawacyo.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.


Jabaqda rasaasta iyo jugta madaafiicdii lagu mirayay ciidamada Xabashida ayaa xalay saqdii dhexe laga maqlayay Halgan iyo deegaanada hoos yimaad, isbuucii lasoo dhaafay ayuu saldhigga ciidanka Itoobiya ee Bariga Hiiraan sidaan oo kale ula kulmayay weeraro habeen dheelmad ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items