Askar iyo Shacab badan oo lagu laayay bartamaha dalka Maali.

Saturday July 04, 2020 - 09:15:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo Shacab badan oo lagu laayay bartamaha dalka Maali.

    Melleteriga Maali ayaa markale lakulmay weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay kaasi oo ay geysteen xoogag jihaadi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga Maali ayaa markale lakulmay weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay kaasi oo ay geysteen xoogag jihaadi ah.


Wararka ka imaanaya bartamaha wadanka Maali ayaa sheegaya in rag hubaysan ay weerar dhabbagal ah udhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada melleteriga xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Mobti.

Afhayeen uhadlay wasaaradda difaaca Maali ayaa sheegay in ugu yaraan 9 askari looga dilay weerarka tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhinaca kale dablay hubaysan ayaa weerar dad badan lagu laayay ka fulisay bartamaha dalka Maali, wakaaladaha wararka ayaa sheegay in ku dhowaad 40 qof ladilay tobanaan kalane nolosha lagu watay.


Dadka lalaayay oo kasoo jeedo qowmiyadda Dogon ayaa  ka dhacay deegaanka Bankaas, goob joogayaal ayaa sheegay in dablay saarnaa gaadiid Cabdi bilayaal ah ay tuulada weerareen kadibna ay si aan kala sooc laheyn udileen dad kasoo jeeda Dogon.

Inta badan guryihii kuyiillay tuulada ayaa lagubay iyadoona lalaayay raggii ku sugnaa, mas'uul u hadlay maamulka maxalliga ah ee tuulada lagubay ayaa sheegay in uu indhihiisa saaray meydadka 30 qof oo ubadan carruur iyo haween.

Ciidamada shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee dalka Maali ku duulay ayaa lagu eedeeyaa in ay kicinayaan dagaallo sokeeye iyagoo isku diraya qabaa'illada si ay shacabka Maali uga mashquuliyaan halganka ka dhanka ah gummeystaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items