Qoomiyadaha Itoobiya ma inagusoo qixi karaan? W/Q Wadaadyare Xaashi.

Saturday July 04, 2020 - 12:33:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoomiyadaha Itoobiya ma inagusoo qixi karaan? W/Q Wadaadyare Xaashi.

    Ummaduhu sida qofka oo kale cimrigoodu ma ahan Labaatan sano amase soddon sano waxba kama aha cimriga bulshada ama ummadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummaduhu sida qofka oo kale cimrigoodu ma ahan Labaatan sano amase soddon sano waxba kama aha cimriga bulshada ama ummadda.


Haddaba muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayey dad soomaaliyeed oo hanjabay qalbigoodiina uu dhaawacmay islamarkaana aaminsan in aaney soomaalidu dhibtan ka baxayn iyagoo u qaatay intii yareyd ee la kufay in aan laga kici doonin.

Waxaa kale oo soo batay dhallinyaro ku doodadaya haddii itoobiya burburto soomaaliya waxa kusoo qaxaya qoomiyadaha tirada badan ee dalkaas taas oo aannaan tabar u hayn markaa waa in aan u ducaynaynaa xabashida!.


Taariikhdu waa iftiin, waana faynuus la shito ee bal aynu tusaalayaal nool soo qaadanno. Xiligii Mingiste itoobiya waxa ay waajahday fadqalallo iyo qalalaase gudheed  waxaa isku riiqmey qoomiyadihii kiristaanka ahaa ee meesha degenaa laakiin marnaba tigreegii maqalle joogay ma u soo qaxeen Hargeysa? Mase u soo digaafeen axmaaradii goondher joogtey Kismaayo ama Xamar? Maxay ugu soo qixi waayeen?

Akhristoow bal malee Itoobiya imisa waddan bay xuduud la leedahay? haddiiba ay soo qaxaan maba dhici karto eh, ma waxa ay kusoo afgo’i doonaan dhul soomaaliyeed mise dhulalka u dhow.

Beenihii muddooyinkii la soo dhaafay soomaalida lagu akhriyi jiray ayaa ah: itoobiya abaal bay inagu leeyihiin sababtoo ah xilligii dawladii dhexe ee aynu iscunaynay bay inoo gargaareen! Miyay inoo gargaareen mise dhulkeennii ay inaga haysteen baynu tagnay?.

Ninkasta oo soomaaliyeed dhulkiisii hawdka ahaa ee uu geela ku raacan jiray buu tagay ee baxardaar iyo Maqalle midna ma tegin.

Haddaba dhibaatooyinka kale ee soomaalida haystaa waxa weeye in taariikhdoodii hore oo dhan la masaxay islamarkaana taariikhdooda looga soo bilaabo 60 sano ka hor ama 1960-kii. Taasi waxa ay dhalisay in qofkasta oo soomaali ahi aamino in waagii hore la ahaa duurjoog uu gumeysigii ka naxay oo uu dawlad u dhisay.

Kutubta taatiikhdu waxa ay weriyaan boqortooyooyinkii soomaalida kuwii ugu misaal dhowaa waxaana kamid ah boqortooyadii Ajuuraan. Muddo lagu qiyaaso 1680-kii ayaa la dilay imaamkii u dambeeyay ee ka talinayay boqortooyadaas. Imaamkaas waxa la odhan jirey Imaam Axmed Ciise Tukul waxaana lagu dilay rugta ceel cawl ee degmada Cadalle. Boqortooyadaasi waxa ay lahayd wadaaddo taliya oo diinta difaaca iyo ciidan warmooley iyo fardooleyba ah oo danaha dawladda fuliya.

Tusaalahaas yar waxa aan u soo qaatay si loo fahmo in aanay taariikhdayadu 60kii kasoo bilaabmin ee aanu leenahay taariikh fac weyn oo muddo badan soo taxneyd.

Waxa la yidhi wakhti hore nin qiime badnaa oo wadaad ahaa baa xoolo raaci jiray, xannaanaynta xoolaha oo dhan waxa u sii dheerayd in uu ka warhayo midda jilicsan iyo tan taagta daran, maalintii dambe,Yey raxan ah baa isa soo tubay xeradii xoolaha horteedii Waxa ay soo qaateen boodhadh ay ku qoran tahay "Xoolaha yaan la raacin ee xorriyadooda hala siiyo”.

Xoolihii masaakiinta ahaa waxa dhegaha loogu riday bidco cusub oo ah ka xorooba wadaadka oo xadhkaha goosta. Xoolihii waxa ay rumeysteen bidcadii cusbayd dabarradii ayaanay goosteen. Wax ay ordaanba Yeydii oo dhagarqabayaal ahaa ayaa meel cidlo ah ka helay oo habeenno badan hilibkoodii ka hirqaday. Imika shacabkii soomaaliyeed baa sidaas ka dhigan oo wadaadihii wanaagooda u halgamayay baa loo bahalo geliyay balse waxa aynu leennahay mustaqbal ifaya insha'Allah.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi


Related Items