Jihaadiyiin Weerar cusub ku qaaday saldhig kuyaal duleedka Gaarisa.

Saturday July 04, 2020 - 12:17:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jihaadiyiin Weerar cusub ku qaaday saldhig kuyaal duleedka Gaarisa.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya ku jira ayaa sheegaya in weerar xooggan markale lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya ku jira ayaa sheegaya in weerar xooggan markale lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weerar hubaysan ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen deegaanka Faafi ee duleedka magaalada Gaarisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid culus khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya, wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay ku degtay deegaanka Faafi iyadoona halkaas ka daabushay dhaawacyo ciidanka booliska kasoo gaaray weerarkii xalay.


Al Shabaab ayaa bil walba weeraro laayaan ah oo lagu beegsado dowladda Kenya ka fulisay dhammaan gobollada dhulka NFD iyo Lamu.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items