Shirkii dhaxmari lahaa Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada oo baaqday.

Sunday July 05, 2020 - 08:35:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii dhaxmari lahaa Farmaajo iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada oo baaqday.

    Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 5 July 2020 ayaa lafilayay in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir dhaxmari lahaa hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 5 July 2020 ayaa lafilayay in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir dhaxmari lahaa hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Farmaajo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib udhac uu ku yimid qabsoomidda shirka kadib markii hoggaamiyaasha maamul goboleedyada qaar ay qaadaceen in ay shirka soo xaadiraan.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay sabab u yihiin dib udhaca ku yimid shirka kadib markii ay ka caga jiideen in ay tagaan magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhowr jeer ku baaqay shirar balse shirarkaas ma qabsoomin oo waxaa gaashaanka u daruuray hoggaamiyaasha uu khilaafku kala dhaxeeyo.


Ismariwaaga udhaxeeya qowsaarrada gummeysiga Soomaaliya ayaa sababi kara in dib udhac uu ku yimaad doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxtinimada dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items