Al Shabaab oo xildhibaan katirsan maamulka 'Hirshabelle' ku dilay duleedka Balcad.

Sunday July 05, 2020 - 11:39:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo xildhibaan katirsan maamulka 'Hirshabelle' ku dilay duleedka Balcad.

    Kadib weerar qorshaysan oo maanta barqadii ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ayay dagaalyahanada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay ku qafaashaan Xildhibaan katirsan baarlamaanka maamulka 'Hirshabelle'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib weerar qorshaysan oo maanta barqadii ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ayay dagaalyahanada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay ku qafaashaan Xildhibaan katirsan baarlamaanka maamulka 'Hirshabelle'.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku dileen Xildhibaan Max'med Maxamuud Xuurshe oo ahaa xildhibaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanka ka hor intii aan ladilin lagala degay gaari uu kasoo raacay degmada Jowhar wuxuuna weerarku ka dhacay meel ku dhow degmada Balcad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga Xildhibaanku la socday oo kusii jeeday Muqdisho uu saaka aroortii hore ka baxay magaalada Jowhar, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas'uuliyadda weerarkan xildhibaanka lagu dilay.


Ma ahan markii ugu horraysay oo gobolka Sh/dhexe lagu dilay saraakiil iyo xildhibaanno katirsan maamulka fadhiidka ah ee isku magacaabay Hirshabelle gaar ahaan wadada laamiga ah oo isku bedeshay meel lagu ugaarsado saraakiisha dowladda iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items