Ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo Rasaas u adeegsaday Shacab dibad baxyo dhigayay.

Sunday July 05, 2020 - 11:38:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo Rasaas u adeegsaday Shacab dibad baxyo dhigayay.

    Dibax baxyo ballaaran balse waqti kooban socday ayaa maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibax baxyo ballaaran balse waqti kooban socday ayaa maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere magaalada Muqdisho.


Boqolaal qof oo dibax baxayaal ah ayaa isugusoo baxay fagaaraha waxayna cabirayeen shucuurkooda ku aaddan sida ay udiidanyihiin dowladda Farmaajo ee gummeystaha la shaqeysa.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah madaxda dowladda Federaalka sida "Farmaajo dooni mayno hadhacdo xukuumadda Villa Somalia ka jirta" iyo erayo kale.

Boqolaal katirsan ciidamada Koofiya casta ee ilaalada ka haya madaxtooyada Villa Somalia ayaa dibad baxa soo farageliyay waxayna rasaas u adeegsadeen shacabka, dadka iskusoo baxyada dhigayay waxaa hormuud u ahaa Cusmaan Muxiyadiin Cariif oo horay usoo noqday guddoomiyaha degmada C/Caziiz.


Wararka qaar ayaa sheegaya in iskusoo bixii maanta uu ahaa mid siyaasadaysan oo ay gadaal ka riixayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Gurguurte oo si aad ah umucaaradsan Kheyre iyo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items