dad Lubnaaniyiin ah oo naftooda ugooyay Faqri iyo nolol xumo aawgeed!.

Monday July 06, 2020 - 07:03:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dad Lubnaaniyiin ah oo naftooda ugooyay Faqri iyo nolol xumo aawgeed!.

    Wararka ka imaanaya wadanka Lubnaan ee dhaca mandiqadda Shaaam ayaa sheegaya in dad hor leh ay naftooda gooyeen sababa laxiriira faqriga iyo nolol xumada wadankaasi ka jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Lubnaan ee dhaca mandiqadda Shaaam ayaa sheegaya in dad hor leh ay naftooda gooyeen sababa laxiriira faqriga iyo nolol xumada wadankaasi ka jirta.



Warbaahinta maxalliga ah ayaa xaqiijisay in shalay oo kaliya ay ismiidaamiyeen illaa 2 qof taas oo tirada guud ee dadka naftooda gooyay 24 saac gudahooda ka dhigaysa 4 qof.

Koonfurta Lubnaan oo ay ku badanyihiin dadka shiicada Rawaafidda ah ruux ayaa rasaas madaxa iskala dhacay isagoo ku qeylinayay nolol xumo iyo faqri dartiis ayaan isku dilay.

Sidoo kale nin da' ah ayaa iskasoo tuuray dabaqa sare ee gurigii uu deganaa wuxuuna ka sheeganayay xanuun uu u waayay dhaqaale uu isaga daweeyo.



Dhalinyaro Lubnaaniyiin ah ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawirro muujinayay dhalinyaro kale oo isku dilaya meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Beyruut, dadka ayaa ka sheeganaya nolol xumo kadib markii uu hoos udhac ballaaran ku yimid dhaqaalaha wadanka.

dhaqamada gaalada ee diinta la'aanta ah ayaa si aad ah ugu dhax faafay bulshada taas oo keentay in dadka qaar ay naftooda gooyaan iyagoo ku andacoonaya maciishadda oo ciriiri ku noqotay.

Lacagta maxalliga ah ee loo yaqaan Liira ayaa dhulka ku hoobatay halkii dollar ayaa lagu sarifayaa lacag dhan 8,000 oo ah lacagta laga isticmaalo Lubnaan arrinkaas oo sababay in maciishadu qaali garoowdo.

Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Diyaab ayaa ku guuldaraysatay in ay dajiso siyaasad ay ku jaan goynayso dhaqaalaha sii liidanaya ee wadankaasi lubanaan

Related Items