Shabeel qof ku dilay caasimadda wadanka Switzerland.

Monday July 06, 2020 - 07:29:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabeel qof ku dilay caasimadda wadanka Switzerland.

    Booliska dalka Switzerland ee dhaca bartamaha qaaradda Yurub ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu dhintay kadib markii xayawaanka Shabeelka loo yaqaan uu weerar geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Switzerland ee dhaca bartamaha qaaradda Yurub ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof uu dhintay kadib markii xayawaanka Shabeelka loo yaqaan uu weerar geystay.


Beer loo dalxiis tago oo kutaal magaalada Zurich ayuu Shabeel ku cunay haweenay kamid aheyd shaqaalaha dowladda xilli ay daawanayeen tobanaan qof Dalxiisayaal ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Shabeel nuuca Seerbiyaanka ah uu haweenayda isku duubay kadibna uu dilay majirin cid isku dayday in ay badbaadiyaan haweenayda uu shabeelku cunay oo la sheegay in ay ka shaqeynaysay isla beerta uu weerarku ka dhacay.

Xayawaanka dilka geystay ayaa sanaddii dhashay sanaddii 2015 waxaana laga keenay baa layiri dhanka wadanka Denmark.


Shaqaalaha xerada Xayawaanada magaalada Zurich ayaa lagu eedeeyay in ay dayacaad sameeyeen oo ay ku guuldaraysteen badbaadinta haweenayda uu Shabeelku dilay.

Ma ahan markii ugu horraysan oo bahal uu wadanka Switzerland weerar ka geysto, sanaddii 2019 ayuu Libaax haweenay ku qaniinay magaalada Zurich balse markii dambe ayaa la dilay xayawaankii weerarka geystay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items