Warar sheegaya in laxiray Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda Itoobiya.

Monday July 06, 2020 - 08:04:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaya in laxiray Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda Itoobiya.

    Warar soo baxay ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay mid kamid ah wasiirrada ugu saameynta badan dalka Itoobiya si weyna ugu dhowaa Abiy Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaradka Oromada ayaa sheegaya in laxiray wasiirka difaaca
Warar soo baxay ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay mid kamid ah wasiirrada ugu saameynta badan dalka Itoobiya si weyna ugu dhowaa Abiy Axmed.


Saraakiisha mucaaradka qowmiyadda Oromada ayaa sheegay in xabsi guri lagusoo rogay Lamme Magarse oo ahaa wasiirka Gaashaandhigga kadib markii laga qaaday xilka uu hayay.

Henok Gebra Gabisa oo kamid ah siyaasiyiinta qowmiyadda Oromada ayaa qoraallo dhowr ah oo uu ku faafiyay baraha bulshada wuxuu ku sheegay in shaqada laga eryay wasiirka G/dhigga kadib markii uu latacaadufay Jowhar Muxamed oo maalmo ka hor laxiray.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Lamme Magarse laga qaaday dhammaan ciidamadii ilaalada u ahaa islamarkaana loo diiday in uu lahadlo warbaahinta, xaaladda Itoobiya ayaa ah mid aad ucakiran waxaana jaran dhammaan war isgaarsiinta sida Taleefannada iyo Internetka.

Melleteriga Xabashida ayaa wada howlgallo uu kula dagaallamayo jabhadaha hubaysan ee Oromada kadib markii kacdoonkii rabshadaha watay uu isku bedelay mid hubaysan, hubanti la'aan ayaa ka taagan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Oromia oo ay ka socdaan howlgallo melleteri.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items