Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.

Monday July 06, 2020 - 12:37:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Weerar dhabagal ah oo maanta barqadii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa lagu dilay ugu yaraan sedax askari oo katirsanaa ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka Muqdisho kuwaas oo sahay ugelbinayay ciidamada Burundi.

Ugu yaraan sedax Askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka dhabagalka ah iyadoona qarax miino lagu burburiyay gaari booyad ah oo shidaal siday, ciidamadan weerarada iyo qaraxyada lakulmay ayaa saad ugelbinaya Burundeyska ku sugan Jowhar.


Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay inta udhaxaysa deegaanka Qalimoow iyo Balcad, war rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items