Dhuusamareeb oo marti gelinaysa Waji cusub oo khilaaf ah.

Tuesday July 07, 2020 - 07:52:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuusamareeb oo marti gelinaysa Waji cusub oo khilaaf ah.

    Khilaaf hor leh ayaa ka dhax qarxay maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan qaabka ay udhacayaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf hor leh ayaa ka dhax qarxay maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan qaabka ay udhacayaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga ah.


Wadahadal ay khadka Internetka ku yeesheen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayay ku go'aansadeen in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo ay uga tashanayaan dib udhaca la sheegay in uu ku imaanayo doorashada.

Hoggaamiyasha shan maamul goboleed ayaa ku heshiiyay in 9-ka bisha July ay kulan ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb  xarunta gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.


Kulanka Dhuusamareeb hoggaamiyaasha xaadiri doono ee sida aadka ah umucaaradsan siyaasadda Farmaajo waxaa kamid ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu baaqday shirkii lafilayay in magaalada Muqdisho uu ku dhaxmaro DF iyo madaxda maamul goboleedyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items