4 katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

Tuesday July 07, 2020 - 11:30:44 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro shalay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro shalay deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.


Wararka ka imaanaya degmada Janaale ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday madaafiic oo lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda uu sababay khasaare ubadan dhaawacyo.

Sidoo kale qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka uga beegan Muqdisho waxaa lagu burburiyay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay ku dhinteen qaraxa, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ciidamada shisheeye ay ka jiideen gaarigii gubtay.

Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso ciidamada shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka weeraradaas oo ka dhacaya Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items