Wararkii Ugu Dambeeyay ee dalka Itoobiya: Siyaasiyiin laxirxiray iyo Warbaahintii Tigreega oo hawada laga saaray.

Tuesday July 07, 2020 - 09:04:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay ee dalka Itoobiya: Siyaasiyiin laxirxiray iyo Warbaahintii Tigreega oo hawada laga saaray.

    Wadanka Itoobiya waxaa isbuucii labaad oo xiriir ah ka socda kacdoonno rabshada wata kuwaas oo markii dambe isku bedelay iska hor'imaadyo hubaysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Itoobiya waxaa isbuucii labaad oo xiriir ah ka socda kacdoonno rabshada wata kuwaas oo markii dambe isku bedelay iska hor'imaadyo hubaysan.


Wararka Itoobiya ka imaanaya waxay sheegayaan in maamulka Abiy Axmed uu xabsiyada ku guray siyaasiyiin hor leh oo katirsanaa qowmiyadda Oromada ee sida aadka ah u mucaaradsan xukuumadda Addis Ababa.

ciidamada Sirdoonka Xabashida ayaa shalay xiray illaa 4 siyaasi oo mucaaradka katirsanaa waxaana kamid ah guddiimiyihii xisbiga National movement.

Isku dhacyo dad badan ay ku dhinteen ayaa lagasoo sheegayaa xaafadaha magaalada Addis Ababa, warar soo baxay waxay sheegayaan in xaalad go'doon ah ay kajirto gobolka Oromia oo kumanaan katirsan ciidamada melleteriga Federaaliga ah loo daad gureeyay.


Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa hawada ka saartay illaa sedax Telefeshin oo si gaar ah ay u lahaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega, warbaahinta laxiray ayaa lagu eedeeyay in ay wadeen kicin dadweyne.

Abiy Axmed ayaa horay uxiray dhammaan warbaahintii ku hadlaysay Afka Oromada waxaana muuqata in dowladda Itoobiya ay isku dayayso in ay afka qabato dhammaan warbaahinta siyaasadeeda kasoo horjeeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items