Alwifaaq oo beenisay in khasaare uu ka dhashay duqeyn ka dhacday Liibiya.

Tuesday July 07, 2020 - 11:13:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alwifaaq oo beenisay in khasaare uu ka dhashay duqeyn ka dhacday Liibiya.

    Duqeyn ay diyaarado casri ah laba habeen ka hor ay ka geysteen saldhig melleteri oo kuyaal galbeedka wadanka Liibiya ayaa la sheegay in aysan geysan khasaara lixaad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn ay diyaarado casri ah laba habeen ka hor ay ka geysteen saldhig melleteri oo kuyaal galbeedka wadanka Liibiya ayaa la sheegay in aysan geysan khasaara lixaad leh.


Xukuumadda Alwifaaq ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Daraabulis ayaa sheegtay in wax khasaara ah oo sidaas uweyn aysan ka dhalan duqeyntii ka dhacday garoonka melleteri ee Alwidyah oo qiyaastii 140 Km ujira Daraabulis.

Mustafa AlJamci oo u hadlay xukuumadda Awifaaq ayaa sheegay in diyaaradda duqeynta geysatay ay aheyd mid casri ah isagoo meesha ka saaray in Khaliifa Xaftar uu mas'uul ka ahaa wixii dhacay.


Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in wax dhib ah uusan gaarin qalabkeeda difaaca cirka ee yaalla madaarka laduqeeyay ee Alwidyah.

Quwada shisheeye oo caalami ah ayaa ku lug leh dagaalka Liibiya waxaana kamid ah Mareykanka,Ruushka iyo Talyaaniga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items