Sarkaal katirsanaa Melleteriga dowladda oo lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Tuesday July 07, 2020 - 18:28:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Melleteriga dowladda oo lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in markale halkaas uu ka dhacay weerar dil ah oo lagu khaarijiyay sarkaal ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in markale halkaas uu ka dhacay weerar dil ah oo lagu khaarijiyay sarkaal ciidan.


Xoogag hubaysan ayaa maanta gelinkii dambe deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay sarkaal katirsanaa taliska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay dileen sarkaal ay darajadiisa ciidan aheyd Sarreeye Guuto, xarakada Al Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sarkaalka lagu dilay.

Weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items