Ciidamo daacad u ahaa Farmaajo oo Dhuusamareeb laga saaray iyo diyaarado gaadiid dajiyay.

Wednesday July 08, 2020 - 11:46:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo daacad u ahaa Farmaajo oo Dhuusamareeb laga saaray iyo diyaarado gaadiid dajiyay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in boqolaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka laga saaray saldhig ay ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in boqolaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka laga saaray saldhig ay ku sugnaayeen.


Ciidamo wato gaadiid dagaal ayaa saaka aroortii magaalada isaga baxay waxaana saldhigyadii ku sugnaayeen lageeyay ciidamo kale oo ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo.

Codsi ka yimid Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa dhigayay in Dhuusamareeb laga saaro maleeshiyaadka loo yaqaan Haramcad ee dowladaha Qadar iyo Turkiga ay utababareen Farmaajo.

Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay in amnigooda aysan ku aamini karin maleeshiyaad Haramcad, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in maleeshiyaadka PSDF ee maamulka Puntland iyo kuwa Danab ee Mareykanku tababareen ay gaareen Dhuusamareeb si ay usugaan ammaanka goobta uu berri ka furmayo shirka wadatashiga maamul goboleedyada.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ka degeen diyaarado sida gaadiid qafilan kuwaas oo kasoo kicitimay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items