Qarax Khasaara dhaliyay oo ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon.

Wednesday July 08, 2020 - 12:24:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara dhaliyay oo ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon.

    Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax khasaara dhaliyay oo bartamaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax khasaara dhaliyay oo bartamaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ugu yaraan laba askari ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaari gaari ciidamada oo marayay dhabarka dambe ee dhismaha safaaradda Qadar ee Muqdisho.

Warar laga helay degmada Hodon waxay sheegayaan in qaraxu uu haleelay ciidamada xilli ay marayeen meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim.

Wariyaal ayaa sheegay  in qaraxa ay dhaawacyo kasoo gaareen illaa sedax qof shacab ah oo wadada marayay, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku aaddan qaraxii maanta kaasi oo ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items