David Shinn oo walaac ka muujiyay burbur ku yimaada xukuumadda Addis Ababa.

Wednesday July 08, 2020 - 17:08:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    David Shinn oo walaac ka muujiyay burbur ku yimaada xukuumadda Addis Ababa.

    Warbaahinta caalamiga ah ayaa si aad ah isha ugu hayo arrimaha ka aloosan dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

David Shinn oo lafadhiya Males Zenawi
Warbaahinta caalamiga ah ayaa si aad ah isha ugu hayo arrimaha ka aloosan dalka Itoobiya.



Dowladaha saliibiyiinta reergalbeedka oo 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay Itoobiya ka dhiganayay awood ay u adeegsadaan in ay madaxa uga istaagto muslimiinta geeska afrika ayaa qudhoodu walaac ka muujinaya xaaladda wadankaas ka aloosan.

David Shinn oo ah diblumaasi ruug cadaa arrimaha afrika ah islamarkaana horay usoo noqday safiirka mareykanka ee Addis Ababa ayaa walaac ballaaran ka muujiyay waxa Itoobiya ka socda isagoona Abiy Axmed ugu baaqay in uu qaado isbedello waaweyn.



Shinn oo lahadlayay telefeshinka Al Jazeera qeybtiisa Englishka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in ay burburto dowladda Itoobiya taas bedelkeedna wuxuu kula taliyay siyaasiyiinta Xabashida isku tanaasul iyo in ay wadahadal ku xallistaan khilaafaadka dhaxdooda ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya u adeegsata gummaadka iyo gummeysiga ay ka wadaan dalka Soomaaliya, sanaddii 2006 markii ay melleteriga Itoobiya ku duulayeen Soomaaliya ayuu Davi Shinn ahaa safiirka Mareykanka ee Addis Ababa isagoona G.W Bush mas'uul uga ahaa qarash garaynta duullaankaasi

R/wasaaraha Itoobiya oo markii uu xilka qabtay caalamka iyo iyo xabashidaba umuujiyay in uu layimid siyaasad furfurnaan ah ayaa hadda qaaday dhabbihii males iyo haylamaryam wuxuuna adeegsanayaa siyaasadda qamcinta shacabka iyo siyaasiyiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items