Hay'adda Hormuud Salaam oo deeq Waxbarasho usoo soo bandhigtay Ardayda ka baxday dugsiga sare ee dalka.

Thursday July 09, 2020 - 06:17:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Hormuud Salaam oo deeq Waxbarasho usoo soo bandhigtay Ardayda ka baxday dugsiga sare ee dalka.

    Hormuud Salaam Foundation waxay ogeysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ,gaar ahaan sanad dugsiyeedka 2018/2019 & 2019 /2020 in la qaadi doono Imtixaankii lagu codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom. Imtix

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hormuud Salaam Foundation waxay ogeysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ,gaar ahaan sanad dugsiyeedka 2018/2019 & 2019 /2020 in la qaadi doono Imtixaankii lagu codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom. Imtixaanka waxaa la qaadi doonaa 4 & 5 August 2020, wuxuuna ka dhici doonaa Xarunta Jaamacada Hormuud ee Buulo Xuubeey.



Sharuudaha Gelidda Imtixaanka eeardey kastaa laga rabo waxaa ka mid ah:

1. Ardey kastaa Inuu buuxiyo Foomka Codsiga Imtixaanka, kaasoo laga helikaro Ciwaankaan :http:/http://hsp.htf.so/portal/StudentRegistration, laga bilaabo, Axad 12ka July 2020, saacadda markeey tahay 10-ka (subaxnimo), ilaaa 13 July,10:00am ama markii aay is diiwaan geliyaan 400 ardey.


2. Inuu ka mid yahay Ardayda dhameysey dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2018/2019 & 2019/2020.

3. Inuu ardaygu heysto aqoonsiga Roll Number ee Wasaaradda waxbarashada
4. Inuu helikaro Shahaadada dugsiga sare markii loo baahdo.

5. Ardey kastaa waxaa laga codsanayaa inuu soo xirto Weji xirasho ( Face mask), iyadoo la raacayo timlaamaha caafimaad ee wasaarada Caafimaadka bixineeyso ee xaaladaha Covid-19.

Related Items