R/wasaarihii dalka Ivory Coast oo si yaab leh udhintay.

Thursday July 09, 2020 - 07:11:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaarihii dalka Ivory Coast oo si yaab leh udhintay.

    Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday R/wasaarihii dowladda Ivory Coast ama Saaxilul Caaj oo ah dal dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday R/wasaarihii dowladda Ivory Coast ama Saaxilul Caaj oo ah dal dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


Amadou John Coulibaly oo ahaa R/wasaarihii wadankaas aya dhintay xilli uu shir guddoominayay golaha wasiirrada sida uu warbaahinta u sheegay Al Xasan Wataara oo ah madaxweynaha Ivory Coast.

R/wasaaraha dhintay oo 61 sana jir ahaa ayaa wadnaha loogasoo booday xilli uu shir guddoominayay kulanka golaha wasiirrada, saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in madou John Coulibaly isbitaalka loola cararay balse markii dambe uu dhintay.


Ninkan dhintay ayaa ahaa musharaxa Xisbiga talada haya ee u utaagan xilka madaxtinimada doorashooyinka dhici doono bisha soo socota ee Octobar, wararka ayaa intaas ku daraya in Xaamid Baakaayo wasiirka difaaca uu si KMG ah usii hayn doono xilka R/wasaaranimada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items